Dhaqanka Soomaali

Kani waa maqaal ku saabsan dhaqanka Soomaalida. Qoraalo kale fiiri dhaqan iyo Dhaqanka Soomaaliya.
kabanku waa u muhiim heesaha qaaciga

Dhaqanka Soomaalida (Af Ingiriis : Culture of Somalia; Af Carabi : ar‎) waa hab nololeedka iyo nidaamka dhaqan ee dadka Soomaalida ah; taasi ooy ka mid tahay luuqada, cuntada, suugaanta, fanka, farshaxanta, habaynta iyo soo bandhiga heesaha Soomaalida, ruwaayadaha, majaajilooyinka u dhaqanka ah dadka Soomaalida ah meelkasta ooy joogaan, gaar ahaan inta ku dhaqan Bariga Afrika. Guud ahaan, dhaqanka Soomaalidu waa haybada iyo sharafta u gaarka ah bulsho weynta Soomaalida meel kastooy caalamka kaga dhaqan yihiin. Sidoo kale, dadka ku hadla Af Soomaaliga waxay leeyihiin fan iyo suugaan aad u heersareeya, qani ku ah aqoon iyo xirfad qoto dheer. In kastoo fanka maanta jira yahay mid aad u da' yar wuxuu leeyahay waaxyo iyo noocyo aad u badan. Kuwaasi waxaa ka mid ah heesaha qaaciga, qaraamiga, heesaha jaaska, ruwaayadaha, majaajiloyinka, filimaanta, bandhigyada fanka, qoob-ka-ciyaarka iyo guud ahaan madadaalada ku baxda luuqada Soomaaliga.


© MMXXIII Rich X Search. We shall prevail. All rights reserved. Rich X Search